Madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya cabdi caziiz xasan maxamed lafta gareen ayaa waxa uu xalay kulamo la qaatay qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan degmada waajid ee gobolka bakool
Madaxweyne lafta gareen ayaa waxgaradka ,dhalinyada iyo dhaman bulshada degmada waajid ay kawada hadleen caqabadaha ka jira degmada iyo arimo kusaabsan golaha deegaanka degmada waajid oo caleemasaarkoodu uu ka qeyb galayay madaxweynuhu
Dhankale madaxweyne lafta gareen ayaa waxa uu bulshada degmada u sheegay in degmada waajid laga saari doono Go,odonka islamarkaasna ciidamada maamulka koonfur galbeed ay qaadi doonan dagaalo ka dhan ah dagaalamayaasha al-shabaab
Hadaba wasiir arimaha gudaha maamulka koonfur galbeed ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu daarnaa kulankii ay wada qaateen madaxweyne cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan degmada waajid
Waxaana uu sheegay in kulamadaan ay ahaayeen kuwa is xogwareysi ah oo laga wadahadlay arimaha amniga degmada iyo hormarada ay ku talaabsatay
Degmada waajid oo dhacda koonfurta gobolka bakool ayaa muddo Ku dhawaad 10 sano u go,odoonsanayd al-shabaab
Waxaana muddo kadib shalay booqday madaxweynaha maamulka koonfur galbeed kaasi oo halkaasi u tagay ka qeyb galka caleemasaarka golaha deegaanka degmada oo dhawaan la doortay

