Ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Howlgaladaan ayaa wax la sheegay in ay yimaadeen kadib markii dad shacab ah qarax xoogan uu ku haleelay deegaano dhaca gobolkaasi shabeelaha hoose islamarkaasna ay ciidanka dowladdu ku bexeen iyagoo baadi goobaya ragii weerrarkaasi ka dambeeyay qaraxyada ah
Ciidanka Sida gaarka ah utababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gargaar caafimaad ufidhiyay shacab kusafrayay Inta udhahaysa degaanka Nambar-60 iyo degmada Awdhegle ee Gobolka Shabeelaha hoose
Taliyaha Ciidanka Sida Gaarka ah utababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale Qaran ayaa usheegay in dadkaasi shacabka ah saarnaayeen Mootooyinka Nooca laba lugooleeyda ah ee Fekon-ta ah qarax miino lala beegsaday xili ay kusafrayeen wadadaasi udhexeeyso degaanka Nambar 60 iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaah hoose.
Waxaana uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay kawarheleen dhaawacyada soogaaray Shacabka ah sidaasina ay ugu fidiyeen gargaar Caafimaad.
Howlgaladaan ay sameeyeen ciidanka dowladda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili saacadiihii lasoo dhaafay ay dagaalo u dhexeya xubno ka tirsan al-shabaab iyo ciidanka dowladda ay ka dhacayeen gobolka shabeelaha hoose islamarkaasn ay labada dhinac guulo dhowr ah ka kala sheegteen

