Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jubbaland Oo Howlgalo Wadajir Ah Ka Fuliyay Kismaayo

0

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha  Al Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidamada howl-galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbi, Beerxaani, Labikuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay khasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al Shabaab.

Dhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa Jubbaland TV u sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey al-shabaab.

Dhanka kale waxay la tilmaamay in ciidamadu mid mid u baareen goobihii la sheegay in xubnaha al-shabaab ay ku sugnaayeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here