Faahfaahino:- Amisom Oo Qarax lagu La Eegtay Deegaan Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

warar aan ka helayno  gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in kolonyo ay lasocdeen ciidamo ka tirsan amisom qarax xoogan lagu la beedsaday deegaan hoosyimada gobolka shabeelaha hoose

Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa miino lagu aasay wadada islamarkaasna lala eegtay gaawaari ay wateen ciidamada amisom xili ay marayeen inta udhexeysa deegaanka shalaanbood iyo danow ee gobolka shabeelaha hoose

wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira naf iyo maalba

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan qarax loo adeegsaday waxaan ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen ciidamada midowga afrika ee amisom

Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku sheegteen in askar ka tirsan ciidamada amisom ay ku dileen qaraxaani islamarkaasna ay ku gubeen mid kamid ah gaawaaridi ay wateen ciidamada amisom

majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada amisom oo looga hadlay weerarkaan qaraxa ah ee  lala beegsaday ciidamadooda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here