wararka naga soo gaaraya deegaanada puntland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maantay qaar ka mid ah ganacsatada deegaanada maamul puntland ay bilaabeen in dhulka ay ku daadiyaan lacagta shilinka soomaaliga kadib markii lasheegay in wax qaata la wayay oo ay ka socon weysay deegaamada puntland
qaar ka mid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in sababta lacagta shilin soomaaliga ay u daadinayaan ay tahay inguud ahaan deegaanada puntland laga aamin baxay lacagta islamrkaasna dhamaan laga diiday in laga isticmaalo magaalooyinka uu maamulo maamulka puntland
Maamulka puntland ayaa waxa uu mudooyinki dambe qaadayay tillaabooyin dhowr ah oo lagu socodsiinayay lacagta shilinka soomaaliga ee laga diiday deegaanada puntland
waxaana uu mamaulku u saaray guddi socodsiiya lacagtaasi islamarkaasna talaabo ka qaada cidii diida lacagta balse amaro dhowr ah oo uu guddigaasi soo saaray waxba kama aysan badalin diidmada lacagta soomaaliga
guddiga socodsiinta lacagta soomaaliga ee puntland amaradii ugu dambeeyay oo ay socodsiinta lacagta soomaliga kasoo saareen waxa ka mid ahaa in wax ka yar hal doollar aan lais ticmaali karin lacagta laga tuuro moobilka taas oo dhibaato badan ku noqotay dadka danyar tahay iyo nolosha aas aasiga ahba
wararka ayaana haatan tilmamaya in guud ahaan deegaanada puntland laga joojiyay qaadashada lacagta shilin soomaaliga oo inagu aan leenahay
waxaana sidookale jirtay in banan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo diidamada lacagta shilinka soomalaiga ay ka dahaceen deegaanada puntland maadaama ay ku xirantahay nolosha dadka aan awoodin helida lacagta doolarka

