Maxkamada sare ee dalka ka mareykanka ayaa waxa ay soo saartay go,aano ka dhanka dadka soo galootig ah ee aan heysan sharciga degananashaha kaarka cagaaran
waxaana armarka kasoo baxay markamada sare mareynaka lagu sheegay in dadkaasi oo si sharcidaro ah kusoo galay mareykanka ama marka ay codsanayeen sharciga dagananshiyaha heystay sharciku meel gaar ah aan loo ogolaan doonin in ay qaataan kaarka cagaaran
warkasoo baxay mareykanka ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeelanayaa dad badan oo soogalooti ah kuwaasi oo soomaali ay ku jirto islamrkaasna in badan kusugnaa dalkaasi mareykanka si ay sharci u helaan
sharciyaqaanada ayaa waxa ay ku latalinayeen dadka ay arintani taabanayso in ay qabsadaan qareen si ay waxbadan uga ogadaan go,aanka kasoo baxay maxkamada
waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan oo soomaali ah kuwaasi oo sifo aan shici aheyn ku galay dalkaasi maraykanka islamrkaasna la siiyay sharci ku meel gaar ah balse haatan ay lasoo daristay cabsi xoogan kadib markii uu saameyn ku yeeshay go,aanka maxkamada iyagoo mar,un ku taamayay in ay helayaan shirciga dalkaasi

