Warkasoo baxay dowladda ayaa wax ay guulo kaga sheegteen dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay tuulada Aala-fuutow ee dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir kaxigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose
Waxaana dagaalkani uu ahaa mid u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha
Dowladda ayaa sheegtay in qarax uu ka dhacay xaruntii Al-shabaab ay kufarsameeynjireen qaraxyada
Sidookale warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in goobtaasi inuu qarax kadhaco ay sababay kadib markii waxyaabihii ay farsameeynayeen ay kuqarxeen xarunta oo ahayd guri ka koobnaa 11-qol kaasi oo lagu diyaarinayay gaari iyo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sidookale jaakadaha loo isticmaalaan isqarxinta.
Dowladda ayaa intaasi ku dartay in xaruntaasi qaraxyada lagu farsameeynayay ay kusugnaa Saraakiil ka tirsan al-shabaab oo ajaaniin iyo Soomaali ah iyo xubno badan kuwaasi oo dhamaantoodka goobta kugeeriyooday sida lagu sheegay dowladda.
Waxaana dowladdu sheegtay in weerarkaan ay ku dileen 61- xubno iyo saraakiil ah kuwaasi oo la sheegay in ay kamid ahaayeen lix Sarkaal oo Ajaaniib ah
sidookale waxaa goobta kugeeriyooday hooyo iyo canugeeda oo goobta ka agdhawaa sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warar hordhac ah oo kasoo baxaya qaraxaasi kadhacay xaruntii qaraxyada gobolka Shabeelaha hoose Al-shabaab kulahaayeen tuulada Aala-fuutow oo hoostaga qoryooleey ayaa dowladdu sheegay in saraakiishii qarxaasi kugeeriyooday uu kamid yahay Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo kasoo jeeda dalka Agaanistaan islamrkaasna la sheegay in Al-shabaab uu uqaabilsanaa farsamooyinka sida gaadiidka qaraxyada loogu xiro

