Faahfaahino :- Weerar Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara kala duwan geystay oo ciidamo ka tirsan dowladda lagu la beegsaday ex koontarool balcad ee magaalada muqdisho

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen sida la sheegay barkoontarool oo laga ilaaliyo dhismaha wadada xiriirisa muqdisho iyo jowhar

Ciidanka la weeraray ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee haramcad kuwaasi oo loo xilsaaray ilaalinta wadada xiriirisa muqdisho iyo jowhar oo dhismo uu kusocdo

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasasta ay isweydaa5rsanayeen labada dhinac islamarkaasna uu qasaaro jiro ka dhshay dagaalkaani

War Qoraal kooban ah Oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Sida Gaarka ah utababaran ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay weerarkaan waxa ay wrarka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda interneetka ay ku sheegteen in weerararkii xlay ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda

Al-shabaab si rasmi ah uma sheegin qasaaraha rasmiha ah oo ciidmada dowladda ay ku gaarsiiyeen weerarkaani

Weerarkaan ayaa waxa uu imaanayaan xili al-shabaab ay dhawaan waxa ay lacago farabadan  kusoo rogeen dhismaha waddada xiriirisa muqdisho iyo jowhar hadii kalana waxa ay  ku hanjabeen in weeraro ay ka fulinayaan doonan

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here