Madaxweynaha Jubbaland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Muqdisho

0

Waxaa daqiiqado ka hor garoonka diyaaradaha aadanka cade ee muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyadoona sii diiran ay halkaasi ay kusoo  dhaweeyeen guddiga dowladdu u xilsaartay qaban qaabada shirka wadatashiga doorashooyinka

socdaalka madaxweyne lafta gareen ayaana salka ku haya  ka qeybgalaan Shirka Wadatashiga ee la xiriira arimaha doorashooyinka kaasi oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo muqdisho.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka  iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga.

Xukuumadda DFS ayaa sheegtay in aysan jirin wax  isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle,ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Caasimadda Dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here