Muuse Biixi:-“Somaaliya Ayaa Caqabad Nagu ah in aan Helno Aqoonsi”.!

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Somaliland ayuu sheegay in caalamka  oo dhan aqoonsi ay ka haleen,balse ay caqabad ay ku noqotay Soomaaliya.

“Yoolkeena kowaad waa ictiraaf inaanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada golayaasha caalamiga ah oo aysan cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo,qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiigii loo soo daadiyay mid ka badan ayaanu u daadinaynaa hadii ictiraafka loo baahdo,” ayuu yiri madaxwayne Biixi.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay qabashadda Doorasho qof iyo cod oo Somaliland ka dhacda sanadkaan.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore eedeemo kala duwan u jeediysay Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo ku aadan arrimaha aqoonsiga oo Somaliland sanado badan ay raadinayso, iyo dhaqaalaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here