Madaxweyne Sheikh Shariif Oo Rajo Wanaagsan Ka Mujiyay Dadaalada Socda Ee Doorashada

0
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay inuu rejo wanaagsan ka qabo dadaaladda Ra’iisul Waasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble eeku shirka loo balansanyahay ee 20-ka bishan.
“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.
Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yidhi Madaxweynihii Hore dalku mudane Sharif Sheikh Ahmed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here