Dagaal Beeleed Xoogan Oo Markale Maantay Dib Uga Bilowday Gobolka Hiiraan

0

wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanatay markale uu dagaal beeleed ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

dagaalkaan ayaa shalay ka bilowday xaafahada galbeed ee magaalada baladweyne gaar ahaana deegaanka harcadeey  ,waxaana dagaalka ku baxay maamulka gobolka hiiraan oo ciidamo ka tirsan dowladda kala dhaxdhigay beelaha dagaalamayay

intaasi kadib waxa dadka deegaanka  soo gashay rajo ku saabsan in dagaalka uu joogsay balse mid ka mid ah beelaha oo la sheegay in ay diyaarsanaayeen ayaa weerar xoogan soo qaaday iyadoo halkaasi uu markale ka bilowday dagaal xoogan labada maleeshiya beeleed u dhexeya

waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ee la kala dhaxdhigay beelaha ay iskaga soo beexeen deegaanka harcadeey kadib markii uu xoogaystay dagaalku

khasaare  kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaan in uu  ka dhashay dagaalaka maleeshiyo beeleedka ku dhexmara deegaan u dhow magaalada  baladweyne

ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka halka tiro intaasi kabadana ay ku dhaawacmeen dagaalka labada maleeshiya beeleed ee saakay dib uga bilowday deegaanka harcadeey

Maamulka gobolka hiiraan masuuliyiin ka tirsan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in si aad ah ay uga xunyihiin dagaalka beelaha walaalaha ah u dhexeya islamarkaasna ay si ugu dhaqsiyaha badan ay u xalin doonan

Gudoomiye ku xigeenka  maamulka  gobolka hiiraan xuseen cismaan cali oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in dagaalka beeluhu uu yahay mid nasiib daro oo ay ugu baaqayaan in la joojiyo

waxaana uu sheegay in markii ciidamada dowladda ay ka bexeen deegaanka uu dagaalku bilowday islamarkaasna uu jiro qasaare badan oo  labada dhinac soo kala gaaray

dhankale gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka hiiraan ayaa waxa uu xusay in deegaanka harcadeey oo dagaalku ka bilowday ay dad badan iskaga barakaceen

waxaana uu sheegay in hada cabsi xoogan ay soo foodsaartay dadka ku dhaqan magaalada baladweyne  oo dagaalka iyo xabadu ay usoo dhawaatay maadaama deegaanka lagu dagaalamayo uu kaliya  qiyaastii 5 km jiro magaalada baladweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here