Taliska Ciidamada Booliska dalka ayaa waxa uu amaro culus dhuldhigay ciidanka booliska ee ka howlgala magaalada caasimada ah ee magaalada muqdisho
Ciidanka Booliska ayaa lagu amray in aysan faraha la galin karin howl aan quseyn
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda.
Taliyaha ayaa Ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed
Arintaan ayaa waxa ay imaaneysa xili mudooyinkii dambe ay jireen taliyaal boolis ah oo ku kacayay falaal aan iyagu shaqadooda aan aheyn
Iyadoona ay jirtay in taliyahii hore ee ciidanka booliska gobolka banaadir saadaq joon xilka laga qaaday kadib markii la tilmaamay in uu sameeyay shaqo isaga aan quseyn oo uu isku dayay in kulan baarlamaan uu is hor istaag ku sameeyo isagoo taliye boolis ah

