Mareeykanka Oo Madaxda Dowladda Ugu Baaqay in la Qabto Doorasho Deg Deg Ah

0

Dowladda mareykanka oo soo saartay bayaan ay uga hadleeyso xaalada soomaaliya ayaa waxa ay madaxda dowladda iyo xildhibaanada barlamaanka u dirtay fariin ku saabsan in doorasho deg deg ah la qabto oo laisla ogolyahay iyo in lagu laabto shirkii afisiyooni

War qoraal ah oo kasoo baxay mareykanka ayaa waxa baaq loogu in labaabiyo muddo kordhinata islamarkaasna la qabto doorasho

Dowladda mareekanka ayaa waxa ay sheegtay in loo baahanayahay in si degdeg ah loogu laabto wada hadalada lagana heshiiyo arimaha khilaafaadka dooraashada

Sidookale warkasoo baxay dowladda mareekanka ayaa waxa lagu xusay in laqabto doorasho ku qotonta heshiiskii 17 semtember iyadoona laga codsaday madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada in ay degdegjiyaan kulankooda si loo dhameystiro arimaha doorashada

Dhankale Dowladda mareykanka ayaa bogaadisay dadaalada ay wadaan raiisul wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug iyo hirshabeele

ugu dambeen warsaxaafadeedka kasoo baxay mareykanka ayaa waxa loogu baaqay dhinacyada hubeysan iyo ciidamada amaanka in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenikara isku dhac hubeysan  iyo colaad sokeeye

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here