Banaanbax Loogu Soo Horjeedo DFS oo Ka Socda Isgoyska Fagax+Sawirro

0

Banaanbax loogu soo horjeedo Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday iyo muddo kororsiga Labadda Sano ee Hay’adaha amaanka ayaa haatan ka socda isgoyska fagax ee Magaaladda muqdisho.

Banaanbaxa ay ka qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa waxa ay ku qaalinayaan ha dhacdo Farmaajo doonimeyno muddo kororsi,iyo ereyo kale.

Taayaro ayaa la gubayaa,waxaana goobta ku sugan ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaaliya  oo xalay ka yimid dhanka Gobolka Shabeelaha  Dhexe.

Waxaa fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay Saraakiisha Dowladda iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo lagu celin lahaa Ciidamdda muqdisho soo galay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here