Oday Nabadoon Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Warar aan ka helayno degmada kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in nin nabadoon ah xalay lagu dilay agagaar masjidka turkiga ee xaafada jamhuuriya

Rag rag bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in nabadoonka ay toogteen iyagoona goobta iskaga baxsaday dilka kadib

Nabadoonka la dilay ayaa waxa ay dad goobjoogayaal ah idacaada simba u sheegeen in lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle ,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaanada barlamaanka golaha shacabka  ee haatan jira

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ,waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay dilka nabdoonka

Waxaa sodookale goobta la sheegay in ay gaareen qaar ka mid ah ehelada marxuunka oo halkaasi ka qaaday meyd nabadoonka

Wali majirto cid sheegatay masuuliyada dilka loo geeydstay nabadoonka oo mid ahaa dad aad ka u jecel nabada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here