Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay mamagaalada muqdisho xaafad ka tirsan loogu geeystay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka degmada warsheikh
Rag hubeysan ayaa waxa ay degmada wadajir ku toogteen xildhibaan cabdiraxmaan maxamed cabduqaadir oo ahaa xildhibaan ka tirsa golaha deegaanka degmada warsheikh ee gobolka shabeelaha dhexe
Dilka Waxa Goobta iskaga baxsaday ragii dilka geeystay ,waxaana halkaasi durba howlgalo ka bilaabay iyo baaritaano ciidanka dowladda walina lama sheegin cid lagu soo qabtay
Warar ayaa tilmaamaya in marxuunka la dilay xili fiid ah oo doonayay in uu galo gurigiisa balse rag hubeysan ayaa rasaas ku furay waana uu geeriyooday
Maamulka degmada warsheikh oo ka hadlay geerida xildhibaanka ayaa waxa ay ,marka hore ka tacsiyadeeyeen geerida naxdinta leh ee ku timid cabdiraxmaan maxamed oo ahaa xubin ka mid ah golaha deegaanka warsheikh iyagoona dadkii uu ka baxay alle uga baryay in Samir iyo iimaan uu kasiiyo isagana alle janatul fardoowso ka waraabiyo
Maamulka degmada warsheikh ayaa waxa ay intaasi ku dareen in ay ku raadjoogaan ragii weerarkaasi ka dambeeyay islamarkaasna ay rajeynayaan in gacanta ay kusoo dhigaan
Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxa muddoyinkii dambe kusoo bandanayay dilaal ka qorsheysan oo ay fulinayaan kooxo bastoolada ku hubeysan xiliyada habeenkii ah
Waxaana habeeno ka hor la xasuustaa in duleedka magalaada muqdisho lagu dilay gudoomiyihii degmada xamar jajab oo ay dileen kooxo hubeysan oo aan heybtooda laga raneyn

