Xukuumada soomaaliya ayaa waxa ay dowladda masar uga tacsiyadeysay shil tareen oo qasaare kala duwan geeystay oo ka dhacay waqooyinka Magaalada Qaahira galinkii dambe ee shalay
war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaga dibada xukuumada soomaaliya ayaa waxa fariin tacsi ah loogu diray shacabka iyo dowladda wadanka masar ,waxaana ay sheegay in soomaaliya ay dhinaceedatahay masar islamarkaasna ay la qeyb saneyso xanuunka dhibaatada dhacday
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib shil tareen oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo tareenku ka baxay dhabbihiisa meel ku dhow boosteejada Toukh ee gobolka Al Qalyubia ee waqooyiga Magaalada Cairo, shalay gelinkii dambe oo Axad ahayd.
Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta musiibadaan weyn, Waxaana ay u rajeynaysay dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda ay ka baxeen”

