Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa dalbaday in baaritaano lagu sameeyo gaadiid uu la socday oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho.
Shir jaraaid uu ku qabtay Hoygiisa ayuu ku sheegay in gaarigiisa iyo gaari kale oo ilaaladiisa la socotay lagu rasaaseeyay Isgoyska Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis.
Waxa uu sheegay in Ciidamadda falkaas geystay ay yihiin Ciidamo cusub,islamarkaana aysan aheyn ciidamadda Booliska Degmadda C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare in uu booqasho ugu socday Mas’uuliyiin dagan C/casiis iyo Kaaraan.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in weerarka uu ahaa daandaansi,islamarkaana ay doonayaan in baaritaano lagu sameeyo rasaastii xalay lagu furay gaadiid uu la socday.

