Dowladda Nageria oo Saraakiil Usoo Dirtay Soomaaliya+Sawirro

0

Dowladda Nageria ayaa Soomaaliya usoo dirtay 114-sarkaal oo kamid  noqon doona Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.

Saraakiisha Nageriyaanka ayaa lagu keenay diyaarad ay leedahay Qaramadda Midoobay,waxaana garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Saraakiil AMISOM Ka Tirsan.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiisha marsiisay baaritaanka caafimaadka ee looga hortaggayo faafitaanka xanuunka COVID-19.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Saraakiishan ay muddo hal sano ah ka hoos shaqayn doonaan Taliska AMISOM, iyagoo markaasi la talin iyo taageeraba siinaya Booliska Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo ka Socda dalalka Afrika Sida Uganda, Burundi, Kenya, Ethopia iyo Jabuuti,waxayna ka qeyb qaataan howlgaladda Al-shabaab loogu soo horjeedo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here