Dowladda UK oo Beenisay War Kasoo Baxay Xukuumadda Soomaaliya

0

Dowladda Ingiriiska ayaa beenisay war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan kulan dhexmaray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster.

Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegtay in kulanka loogu hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

Balse, waxa warkaas beenisay safiirka Ingiriiska mrs. Kate Foster, taas oo sheegtay in ay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar kala hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna mudda kordhinta loo sameeyay dowladda, oo walaac ay ka muujiyeen beesha caalamka iyo Siyaasiyiinta.

“Waxa Ra’isul Wasaare ku Xigeenka loo sheegay in dowladda UK aysan taageeri doonin muddo kordhin. Waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto.” Ayay tiri safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here