Madaxweynihii Hore Ee Dalka Sheikh Shariif Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga

0

Madaxweynahii hore ee soomaaliya  ahna gudoomiha midowga musharaxiinta ee dalka ayaa waxa uu kulan uu albaabadu u xiranyhaay la qaatay taliyaha ciidanka xooga dalka odawaa yuusuf raage

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Hogayga madaxweyne sheikh shariif sh axmed waxaa ay kawada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee dalku haatan marayo iyo muddo kordhinta loo sameeyay dowladda

Madaxwweyne sheikh Shariif ayaa taliyaha ciidanka ka dalbaday in ciidanka aan loo adeegsan caburinta siyaasiyiinta iyo dadka  shacabka ah

waxaana la sheegay in taliyaha iyo madaxweyne sh shariif ay dhaxmartay dood xasaasi ah oo ku saabsan muddo kordhinta loo sameeyay ha,adaha kala duwan ee dowladda

madaxweyne sheeq shariif ayaa si aad ah ugu soo horjeeda  waqtiga labada sano ee loo kordhiayay dowladda ,waxaana uu dhowr jeer sheegay in marnaba aysan sharci aheyn in muddo kordhin lasameysto balse loo baahayahay in madaxda dowladda ee waqtigu ka dhamaaday  ay in ay qabtaan doorasho dalka ka dhacda

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here