Faah-faahin:-Ku Dhawaad 20-ruux oo ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Duleedka Balcad

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa qabsaday gaari Nooca Soomaalida u taqaano Homeyda oo ka baxay magaaladda Muqdisho,islamarkaana ku wajahnaa Magaaladda Jowha.

Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay meel ku dhow deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

Sida la xaqiijiyay waxaa gaariga saarnaa ku dhawaad 20-ruux,waxaana la sheegay in ay ka badbaadeen 4-ruux oo kaliyah oo uu ku jiro Darawalkii gaariga waday.

Meydadka ayaa lagu soo waranayaa in ay dhulka daadsan yihiin, kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah.

Inta badan waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Jowhar qaraxyadda dhulka lagu aaso kuwaasi oo khasaaraha ugu badan ay kasoo gaaraan dadka shacabka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here