Ciidamada Dowladda  Oo Gacanta Kusoo  Dhigay nin Dilay Hooyo Xaamilo ah

0

Ururka 53-aad Guutada 14 Ogtoobar ayaa Waxaa howlgalo Balaaran OO ka sameyeen tuulada muur,diinle Ee dhow deegaanada sabiid iyo caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose ,waxa ay Soo Qabteen Nin Horay dil ugu geeystay hooyo 8 Caruur ah Dhashay

Sarkiisha Ciidanka ee howlgalka Hogaaminayay ayaasheegay in howlgalka ujeedkiisu uu ahaa in la raadiyo oo gacanta lagu soo dhigo nin  dil u geystay xaaskiisa kadibna  baxsaday

Taliska ciidanka danab  ay sheegeen in ciidanku ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gacan ku dhiigle cabduqadir cali axmed oo xaaskiisa la oroan jirey qadiija shiiq nuur cabdi ku dilay deegaanada sabiid iyo caanoole sida uu warbaahinta ciidamada u xaqiijiyay DHAME dauud taliyaha ururka 53-ee Guutada 14 Ogtoobar

ninkaan gacanta lagu soo dhigay ayaa loo heystaa in uu dilay marxuumad qadiijo oo aheyd xaaskiisa ka dib markuu muran soo kala dhax galay ayada iyo seygeeda

hooyo qadiijo ayaa xiliga ladilayay laheyd  uur 8 bilood ah waxayna ay ifka kaga tagtay 8 caruur ah oo ay  u dhashay isla ninkaasi dilay

taliyaha ururka 53-aad guutada 14 Ogtoobar DHAME dauud aya sheegay in markii ay soo gaartay warbixaan in ciidanka xoogga dalka ay qadeyn hawlgal lagu Baadi goobayo Gacan Ku Dhiiglahaan Xaaskiisa DILAY iygagoona Ku soo Guuleseyn iney Soo Qabtaan Gacan Ku DHiiglahaan

waxaana uu taliyuhu uu sheegay in ay sharciga horgeyn doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here