Khasaare Ka Dhashay Dad Shacab ah Oo Rasaas Lagu Furay

0

wararka ka imanaaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in khasaare xoog leh uu ka dhashay gaari dad shacab ah ay saarnayeen oo lagu rasaaseeyay deegaan ka tirsan gobolka galgaduud

kooxo maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa la sheegay in rasasta ay ku fureen gaariga dadka shacabku lasocdeen oo xiligiis safar ahaa islamarkaasna marayay deegaanka xanan buure

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday gaarigaasi ,inta la xaqiijiay hal qof oo shacab ah ayaa geeriyooday kadib markii ay haleeshay rasaastii lagu furay

wararka ayaa sheegaya in dhacdadaani ay salka ku heyso aanooyin qabiil oo muddoyinkii dambe deegaankaasi ka jirtay

Deegaanka xanan buure waxa ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaana ciidanka gorgor oo dowladu halkaasi u geeysay in ay kala dhaxgalaan beelo dhawaan ku dagaalamay  deegaannka xanaan buure ee gobolka galgaduud

waxaana la sheegay in ciidamadu ay tan iyo saakay wadadeen howlgalo ay ku baadigoobayaan maleeshiyadii falkaasi ka dambeysay

sidookale waxa xusid mudan in inta badan deegaanka xanaan buure ay kusoo laablaabtaan dagaal beeleedyadu iyadoona dowladdu ay xalisay dhawaan beelo walalo ah oo halkaasi dirir xoogan ku dhexmartay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here