Dowladda mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in talaabo ay ka qaadeyso xubnaha dowladda faderaalka ah hadii aysan ka laaban muddo kordhinta ay usameyeen xildhibaanada golaha shacabka
Waxaana mareykanku uu ku goodiyay in cuno qabateyn ay saarayaan madaxada dowladda hadii aysan ka noqon talaabada ay qaadeen oo aysan dalka doorasho u jiheyn
Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa waxa uu si cad u sheegay in ay diideen muddo koroorsiga aqalka hoose usameeyay hay,adaha kala duwan ee dalka islamarkaasna ay ugu baaqayaan madaxdu in ay gogosha wada hadalka iskugu laabsaan si xalooga gaaro arimaha khilaafaadka doorashooyinka
xoghaya mareykanka ayaa xusay in muddo kordhintaan ay wiiqeyso nabada iyo xasiloonida dalka ayna doonyaan in la qabto doorasho wada ogol ah
dhankooda dowladda ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fiirsaneyso la shaqeynta madaxda dowladda ee muddo kordhinta loo sameeyay iyadoona ku baaqday in madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ay si degdeg ah ugu soo laabtaan wadahadala lagu xalinyo khilaafka doorashada
Wasiirka Arrimaha Afrika ee ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in aysan taagereynin talaabadii ay xildhibaanada barlamaanka soomaaliya waqti kordhinta ku sameysteen
dhankale midowga yurub ayaa qaadacay muddo kordhintaasi ,waxaana ay sheegeen in talaabo dheeri ah ay qaadidoonan
midowga yurub ayaa waxa uu sheegay in uu ku baaqayo in dib loogu laabto shirarkii looga hadlayay arimaha doorashooyinka islamarkaasna waxa ay tilmaameen in muhiim ay tahay in la dhameystiro heshiisyadii horay loo gaaray ee lagu xalinayay khilaafka doorashada sida heshiiskii 17 september
midowga yurub ayaana intaasi ku daray in hogaamiyaasha soomaalidu uu ugubbaaqayo in ay ku noqdaan wadahadala si xal looga gaaro muran iyo isqabqabsiga ka jira dhanka doorashada

