Taliye Saadaq Joon Oo Darajadii Ciidan Laga Xayuubiyay

0

Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.

Taliye saadaq joon ayaa is hor istaag ku sameeyay  maalintii isniinta  todobaadkaan kulan ay lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka islamarkaasna uu sheegay in ay damacsanyihiin muddo kororsi si daasna uu ku baajiyay

Daqiiqado kadib taliye saadaq joon xilkii waalaga qaaday xildhibaanadina way galeen kulan kooda iyagoo si dadban oo dhanka sharciga doorashooyinka ah  ku meel mariyay muddo kororsi

Talaabada Uu qaaday taliye saadaq joon ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay aheyd mid qaldan oo isaga oo taliye ah uu damcay in uu baajiyo kulanka barlamaanka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here