Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay afurkii kaddib saxiixay sharciga gaarka ah ee Jihaynta doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa shalay cod aqlabiyad ah waxaa ay ku meel mariyeen sharciga jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaasi oo ah doorasho qof iyo cod ah.
Sharcigaan uu madaxweynuhu saxiixay wali waxaa diidan qaar ka mid madaxweynayaasha dowlad goboleedyada xubnaha musharaxiinta xildoon ka ahaa iyo dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka
Waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in dalku uu aado doorasho toos ah aysana sax aheyn in muddo kordhin xiligaan lasameeyo iyada oo gogoshi shirarka ay furanyihiin
wadamada caalamka qaar kood sida mareykanka ingiriiska ayaa iyaguna dhankooda kasoo horjeestay talaabada ay qaadeen xubnaha dowladda ,waxaana ay ugu hanjabeen in talaabo ay ka qaadi doonan islamarkaasna ay cunaqateeyn kusoo rogi doonan hadaysan ka laaban talaabadaasi.

