Kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa kula soo biirtay kooxda Chelsea xiisaha xidiga qadka dhexe ee kooxda Belgium-ka ee Anderlecht Youri Tielemans.
Majalada Goal.com ayaa soo ogaatay in kooxaha Ugu waa weyn Horyaalka dalka ingiriiska sida kooxaha Manchester United iyo Chelsea ay ku dagaalamayaan saxiixa laacibka kooxda Anderlecht Youri Tielemans oo soo jiitay kooxaha qaarada yurub
18-jirkaan ayaa Bandhig wanaagsan ka sameeyay Horyaalka dalka Belgium waxaana Haatan indhaha la raacaya kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo ingiriiska ka ciyaara

