wararka naga soo gaaraya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka galmudug ay saakay la wareegeen sadax kontarool oo laga galo magaalada gaalkacyo
Ciidamadani ayaa waxa la sheegay in ay ka careysnaayeen mushaar la,aan ,waxaana la sheegay in wax mushaar ah aan lasiin muddo sadax bil ah
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadani ay si gaar ah ugu tirsanaayeen ciidmada daraawiisha dowlad goboleedka galmudug oo fadhigoodu uu yahay xerada indha qaris ee gudaha magalada gaalkacyo
Ciidanka ayaa gaadiid soo galaya iyo kuwa kabaxaya celinayay ,waxaana ay gambi aanba xireen isku socodka gaadiidka safar ka ah ee ka howlgala magaaladaasi ee qeybta maamulka galmudug
masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka mudug iyo kan degmada gaalkacyo ayaa la tilmaamay in hada ay wadaan dadaalo ay arinta ku xalinayaan

