Xeer Ilaalinta Qaranka Oo Sheegtay In Si Bareer Ah Loo Dilay Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Hodan

0

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in si kas ah loo dilay gudoomiyhii hore ee degmada hodan cabdixakiin dhaga juun

shalay ayay gudigii loo saaray baaritaan in ay ku sameeyaan ku sameeyaan qaanka uu u dhacay dilka ay ku wareejiyeen xeer ilaalinta qaranka ,waxaana ay xeer ilaalintu sheegtay in si ula kac ah loo dilay gudoomiye cabdixakiin dhaga juun

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in lasoo gabgabeeyay baaritaanada islamarkaasna haatan lasugayo in la muddeeyo waqtiga rasmiga ah ee la dhageysanayo dacwada wada ka dhanka ah dadka loo heysto dilka gudoomiyihii hore ee degmada hodan

sidookale xeer ilaalinta qaranka ayaa laga dalbaday in ladada jiyo kiiska durbana maxkamada lasoo taago dadkaas ka dambeeyay dilka cabdixakiin dhaga juun

ciidamo ka tirsan dowladda faderaalka soomaaliya ayaa gaari uu lasocday gudoomihii hore degmada hodan cabdixakiin dhaga juun ku rasaaseeyay agagaarka isgooska howlwadaag ee magaalada muqdisho

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here