Faah-faahin:-Qarax Ismiidaamin ahaa oo Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday goob lagu shaaxo ay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, askar iyo shacab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa la doonayay in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow oo meesha uu ku sugnaa, walow uu ka bad-baaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 5-ruux oo shacab u badnaa, sidoo kale waxaa jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay sida ay sheegeen laamaha amaanka Magaaladda Baydhabo.

Dhanka kale Taliska  Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 2 qof oo uu jiro is-miidaamiyihii fuliyey, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale.

“Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliiska.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here