Faahfaahino :- Dagaal Qasaare Geystay Oo Ka Dhacay Shabeelaha Dhexe

0

 

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qasaare kala duwan geeystan oo ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab Ku dhexmaray degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada mahaadaay iyadoona halkaasi iska horimaad xoogan uu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab.

Qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu ka dhashay ,Waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in dagaalka lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda,sidookalana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka tirsan ciidamada dowladda.

warar ayaa intaasi ku darayaa in dagaalamyaasha al-shabaab ay muddo saacado ah gacanta ku hayeen  bartakoontarool oo ay kusoo weerareen ciidanka dowladda iyadona la tilmaamay in markii dambe ay iskaga baxeen halkaasi

barta koontarool ee dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay ku taalaa  deegaanka buurane oo ka tirsan  degmada mahadaay ee shabeelaha dhexe.

al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa muddo dhowr jeer ah dhawaan halkaasi ku dagaalamay ,waxaana wararku ay sheegayaan in weeraradaasi ay ahaayeen kuwa intooda badan  ay soo qaadeen dagaalamayaasha al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here