Galmudug Oo Sheegtay in Al-shabaab Ay Ka Difaacan Maamulo Kale

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa goobta kula kulmay Ciidamada Qalabka Sida,

iyo saraakiishooda, halkaas oo uu madaxweynaha socod dheer kusoo kormeeray, asagoona u kuur galay xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada lagu baacsanayo kooxda Argagexisada ah oo dhawaan laga xoreeyay deeganadaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha dagaalka ,waxaana uu sheegay in ay garabtaaganyihiin ciidanka galmudug mar walba oo aysan ka cabsi qabin dagaalka al-shabaab

madaxdweynaha galmudug sheegay in al-shabaab ay ka difaacaan maamulo kale

Madaxweyne qoor qoor  ayaa la dardaarmay ciidamada iyo saraakiish goobta ku sugeyneyd, asagoona sheegay in la sii wadi doono howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here