Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maanta Ka furmaya Afisiyoooni

0

waxaa maanta markale lagu wadaa in shir  xasaasi ah uu  madaxda dowladda iyo  maamul goboleedyada uu uga furmo teendahada afisiyooni ee magaalada muqdisho  shirkaasi oo labadeeda labdii maalin ee lasoo dhaafay uu hakad ku yimid

shirkaan ayaa waxa uu ka mid yahay kulamo hordhac ah oo lagu doonayo in lagu xalinyo  arimaha doorashooyinka ee cakiran ,waxaana madaxdu ay isku hayaan qodobo dhowr ah oo ay kula arti duwan yihiin

madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaliya mudane maxamed  cabdulahi farmajo ,raiisul wasaaraha xukuumada maxamed xuseen rooble   ,madaxweynayaasha shanta ah ee dowlad goboleedyada sida puntland saciid cabdulahi dani madaxweynaha galmudug axmed abdi kaariye qoor qoor kan koonfur galbeed cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen madaxweyha hirshabeele cali guudlaawe iyo jubbaland axmed maxamed islaam madoobe iyo gudoomiyaha gobolka banaadir cumar maxamuud maxamed cumar filish  ayaa dhaantood diyaar ku ah teendhaa

madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ayaa iyagu qodobo adag wata islamarkaasna hordhiya madaxda dowladda iyagoona ay dood adag u dhexeyso iyaga iyo madaxweynayaasha kale ee maamul goboleedyada galmudug hirshabeele iyo koonfur galbeed oo iyagu u dhawdhanka madaxda dowladda

saaciid dani iyo axmed madoobe ayaa sheegay in madaxweyne farmaajo aysan laq hadli karin oo wax kasta oo ay keenan ay shafka u dhiganayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada qaar

xukuumda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u mira dhali lahaa kulamada wadatashiga ah ee  u socda dawladda iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaal ka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cisman Dubbe ayaa SONNA u sheegay in Xukuumadda rajo badan ka qabto in kulamadu ku soo dhamaadaan natiijo wanaagsan iyo wadajir u fulinta heshiiskii 17kii September.

beesha caalamka ayaa waxa ay dhankeeda ay sheegtay in nay lasocoto wada hadalada socdo islamrkaasna ay sheegtay in loobaahanayahay in lasii laba jibaaro

puntland iyo jubbaland ayaa wata shuruudo adag oo ay ka midtahay in laga wada hadlo ajandaha shirka wada tishaiga qaran ee soosocda iyo in laga hadlao shaqaaqooyinkii dhacay 19 febraayo

madaxda dowladda ayaa iyaguna dhankooda ku adkeysanaya in la dhaqan galiyo heshiiskii 17 september lama oga waxa kasoo bixi kara kulamada  ay yeelanayaan madaxdu

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here