Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Fuliyay Howlgalo Xubno Al-Shabaab Ah Lagu Dilay

0

Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada daraawiishta koonfur galbeed ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen degmada qansadheere

Ujeedka howlgalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in uu aha aka hortagida weerarada iyo qaraxyada al-shabaab ay ka fuliyaan deegaanada maamulka koonfur galbeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda maamulka koonfur ee howlgalada hogaaminayay ayaa guulo ka sheegtay howlgalada ay sameeyeen

Waxaana ay sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen al-shabaab

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga degmada qansaxdheere ee Gobolka baay Maxamed Muqtaar Cabdi Idaacada ciidamada dowladda u sheegay in ciidanka darawiishta iyo maamulka  Degmada qansax-dhere ay ku guuleysteen in ay dilaan laba sarkaal  oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabab,

Waxana uu intaasi ku daray in labadan sarkaal ay al-shabaab u qaabil sanayeen sameynta qaraxyada ciidanka darawiishta islamarkaasna  waxa uu  sheegay in ragaan ay ku dileen goob ay rabeen in ay ku aasaan Miinooyin aad u wayn.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in AK 47 gaar ahan qoriyaha loo yaqaano  gees laab  boosh iyo Bostoolad tete ah  ayey ka furteen ciidanka  darawiishta ee kahowlgala qansaxdhere

Ciidamada maamulka koonfur galbeed ayaa waxa ay inta badan howlgalo ka fuliyaan deegaano dhowr ah oo dhaca gobolada bay iyo bakool

Waxaana ay sheegeen in howlgalo badan oo ay sameeyeen ay ku guuleysteen islamarkaasna ay jab ku gaarsiiyeen al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here