Warar dheeraad ah ayaa Kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Degmadda Shagaani ee Gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijiyeen Booliska Soomaaliya,qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayadd lagu shaahayay oo ku taala Degmadda Shangaani ee Magaaladda Muqdisho.
“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani.
Alaha u naxariisto Ummadda aan waxba galabsan oo argagaixisadu weerartay”,ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

