Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Maanta Lagu Dilay Beydhabo

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil askar ka tirsan ciidamada maamulka koonfur galbeed loogu geeystay gobolka bay

rag hubeysan ayaa waxa lagu soo waramayaa in magalaada beydhabo barkoontarool oo ku taal ay ku dileen ciidamo ka tirsan maamulka koonfur galbeed soomaliya

wararka ayaa sheegaya in weerar lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka koonfur galbeed ,waxaana la sheegay in goobta ay iskaga baxasadeen ragii ka dambeeyay dilkaasi

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada askar lagu maanta lagu dilay magaalada beydhabo ee gobolka bay

al-shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca ayaa waxa ay ku sheegteen in ugu yaraan 2 askari oo uu sarkaal kamid ahaa ay toogasho ku dileen dagaalamayaasha al-shabaab

ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur galbeed oo looga hadlayo dilka askarta la sheegay in maanta lagu geeystay magalaada beydhabo

al-shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan ka geeysta deegaanada maamulka koonfur galbeed

waxaana dhowr jeer oo hor ay guulo uga sheegteen dilaal ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed loogu geeystay deegaano ka dhaca gobolada bay iyo bakool

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here