Kenya oo Sheegtay in Sirdoonka DFS ay wax ka ogaayeen weerarkii Ceel-cadde

0

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay in Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ay ogaayeen weerarkii dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa maanta daabacay in sirdoonka Soomaaliya ay ogaayeen weerarka oo dhacay 15-kii January 2016,islamarkaan ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidamadda Kenya ay kala kulmaan dagaalyahanadda Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah,tiro kalana waa lagu dhaawacay sida ay baahiyeen Al-shabaab.

Sida ay shaaciyay wargeyska Dailay Nation Dowladda Kenya ayaa sheegtay in warbixino sirdoon oo aan la isku haleyn karin, cadaawad ay dadka deegaanka u qabeen ciidamada Kenya, iyo xiriirka Amisom dhexdeeda ah oo aad u xun uu horseeday khasaare xooggan oo ciidankeeda soo gaaray., weerarka Shabaab.

“Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa isku aruusanayay meel ku dhow deegaanka Ceel-cadde,sida lo sheegay kooxda QM ee kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group, qorshahaan waxa uu ahaa mid ay wax ka ogaayeen Sirdoonka Soomaaliya, inkasta aan la ogeyn bartilmaameedkooda dhabta ah – waxayna ku war-geliyeen dhiggooda Kenya”, ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya,ayaa sheegay in beesha uu kasoo jeeddo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaday ee Farmaajo ee dagta Gobolka Gedo, ay wax ka ogeyd weerarka,islamarkaana Ciidamadda Kenya ay u arkeen cadow kusoo duulay Soomaaliya.

Sheegashada Kenya ayaan loo hayn wax caddeymo ah, waana qeyb ka mid ah difaacooda kiiska dacwadda badda ee aadka looga yaabay oo muujinaya in Kenya aysan haysan wax dood sharci ah oo ay ku boobto badda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here