Taliyaha Xooga Dalka Oo Midowga Yurub Ka Codsaday Ka Taageerida Tababarada Ciidanka Soomaaliyeed

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.

Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub ayaa soomaaliya ka taageera dhinaca qalabeynta iyo sara u qaadida tayeynta ciidanka xooga dalka ,Waxaana jirta in howlgalka midowga yurub uu ciidanka soomaaliya u garab istaagayo sababo xariira in  ay gaaraan awood isku filnaansho ah iyagoo siiya tababaro kala duwan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here