Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu dilay waqooyinga magalaada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Rag hubaysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal katirsanaa maamulka ‘Puntland’ .
ilo wareedyo ayaa sheegaya in waqooyiga Gaalkacyo lagu ladilay sarkaal lagu magacaabi jiray Cumar Axmed Cumar wuxuuna kamid ahaa sirdoonka ‘Puntland’ ee loo yaqaan PS-ta.
Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay xarunta gobolka Mudug
wararka al-shabaab ee dhinaca interneetrka ayaa waxa ay ku sheegteen in ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka maamulka puntland sarkaalkaasi oo ka tirsanaa ciidanka dambi baarista puntland
Waxaana al-shabaab sheegeen in ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah saraakiisha maamullada Puntland iyo Galmudug

