Faahfaahino : Qaraxyo Khasaare Geeystay Oo Ciidamo Ka Tirsan Amisom Lagu Eegtay Duleedka Degmada Balcad

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo qasaare kala duwan geeystay oo barqanimadii maanta ciidamo ka tirsan kuwa  amnisom lagu eegtay deegaan duleedka ah degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.

Qaraxyadaan  ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen kuwa  is xigxigay oo lala beegsaday kolonyo ciidamada amisom ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanka gololey iyo degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe

Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen qaraxyada maanta lala eegtay ciidamada amisom

Waxaana wararku ay sheegayaan in weerardaan qaraxyada ah ee ka dhacay duleedka degmada balcad  lagu dilay askar  ka tirsanaa  ciidamada amisom gaar ahaana kuwa burundi.

Al-shabaab sheegtay masuuliyada qaraxyada ciidamada amisom maanta lagu la eegtay deegaanka gololeey ee duleedka degmada balcad

wararka al-shabaab ay barahooda interneetka fufaafiyaan wax ay ku sheegteen in iyagu ay ka dambeeyeen weerarada qaraxyada ah ee lala beegsaday ciidamada amisom ,Waxaana ay sheegaan in ay  gaadiid farabadan ciidamada burundi uga gubeen Deegaanka gololeey

Al-shabaab ayaa intaasi ku daray in qaraxayadaan oo  isxigxigay ay ku gubeen laba gaari oo xamuul ah ,Waxaan ay tilmaameen in qaraxa labaad ay la eegteen ciidamoku lugeynayay wado laami ah.

majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka amisom oo looga hadlayo qaraxyada maanta la sheegay in lala eegtay duleedka degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.

al-shabaab inta badan sidaan oo kale wwero qaraxyo ah ula beegsata kolonyada ciidamada amisom marka ay kusocdaalayaan deegaana hoosyimaada gobolada shabeelooyinka

waxaana dhowr jeer oo hore ay guulo ka sheegteen weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah oo ay la beegsadeen ciidamada amisom

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here