Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani iyo Madaxweynaha Axmed Abdi Kaariye Qoor Qoor Galmudug ayaa xalay waxa ay kulan ku yeesheen hotel ku yaala xarunta xerada xalane ee muqdisho kadib in muddo ah oo aysan is arkin islamarkaasna khilaaf xoogana uu soo kala dhexgalay.
Madaxweynayaasha Dani iyo Qoor Qoor uu Khilaafkoodu Ka dhashay Hadal uu 21 febraayo jeedinyay madaxweynaha puntland saaciid dani kaasi oo uu si aad ah uga xumaaday madaxweynaha galmudug Axmed Qoor Qoor
Waxaana ay taasi keentay in labada madaxweyne aysan wada xariirin hadal kaasi kadib,xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka dowladda faderaalka ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Galmudug iyo Puntland ayaa waxa la sheegay in muddooyinkii dambe ay wadeendadaalo ay ku xalinta khilaafka labada madaxweyne .
xalay ayaana waxaa la sheegay in ay xili dhibaandu ku guuleysteen in labada madaxweyne laisku keeno si khilaafka meesha looga saaro lasiku soo dhaweyo madaxweynayaasha dariska ah.
madaxweynayaasha ayaana sidaasi xalay kulan xasaasi ah ku qaatay iyagoona ka sheekeystay arimo kusaabsan muddadii ay kala maqnaayeen ,waxaana sidookale lasiku soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka
wararka ayaana tilmaamaya in labada madaxweyne ay ka wada hadleen shirka ka dhacaya xirada afisiyooni iyo sidii looga qeyb gaadaan laahaa qabsoomida shirkaas.

