Ciidamada amaanka maamulka puntland ayaa waxa lagu soo waramayaa in saacadiihii aan soo dhaafnay ay gacanta kusoo dhigeen xubno ajaaniib ah oo kaluumeysi sharcidaro ah ka waday xebaha deegaanada puntland.
saraakiisha ciidamada amaanka puntland ayaa waxa ay sheegeen in ciidanka puntland ay soo qabteen doomo ay wateen dad ajaaniib oo ka kaluumeysanayay deegaanada puntland waxaana ay sheegeen in dadkaan ajaaniibta ah aysan wax ruqsad ah ka heysan puntland taasina ay ka dhigtay in ay sharcidaro ay tahay
laamaha amniga puntland ayaa waxa ay tilmaameen in howlgalo ay ciidamada puntland xeebaha gardafuu ay kasameeyeen ay ku soo qabteen doomo iyo 45 shaqaale ah oo u dhashay dalka yaman.
Waxaana ay sheegeen dadkaani ajaaniibta ah ee ay soo qabteen ay u gudbindoonan magaalada boosaaso ee gobolka bari islamarkaasna sharci ay horgeyn doonaan.
maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidanka puntland ay soo bandhigeen 10 nin oo kaluumeysi sharcidaro ah ka waday xeebaha puntland,waxaana puntland ay sheegtay in dadkaas ay maxkamadeynayso

