Dowladda faderaalka soomaaliya ayaa si kuluul uga hadashay weerar kooxda xuutiyiintu ay ku qaadeen magaalooyinka ka tirsan dalka sacuudiga
war qoraal ah oo kasoo baxay xukuumada soomaaliya gaar ahaana wasaarada arimaha dibada soomaaliya ayaa si xoogan loogu cambaareeyay weerar loo adeegsaday diyaaradaha nooca aan duuliyaha la heyn oo qarax laga soo buuxiyay islamarkaasna kooxda la sheegay in ay ku weerareen sacuudiga
” Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd.


