Maamulka Galmudug Oo Heshiis La Gaaray Itoobiya

0

maamulka galmudug ayaa waxa lagu soo waramayaan in ay heeshiis dhanka amniga ah ay lasaxiideen masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka soomaalida itoobiya

Heshiiskaan ayaa waxa uu yimid kadib markii labada dhinac ay yeesheen shir muddo labo maalin ah soconayay kaasi oo looga hadlayay arimo kusaabsan xuduudka lbada maamul iyo sidii ay iskaga kaa shan lahaayeen sugida amaanka iyo arimo kale

shirka waxaa la sheegay in maamulka galmudug ay uga qeyb galeen wasiiro iyo taliyaal ka tirsan ciidanka nabad sugida maamulka galmudug halka itoobiyana ay ugu qeyb galeen wasiiro iyo taliyaal ka tirsan milatariga itoobiya

waxaana la tilmaamay markii uu shirku soo gabagaboobay in lasoo saaray qodobo ay  saxiixdeen bada dhinac islamarkaasna  ay isku afgarteen oo ay qeyb ka tahay

  1. in laiska kaashado amniga deegaanada xuduudka ay wadagaan labada maamul iyo in si isku mid ah loola dgaalamo dadka amni darda ka shaqeynaya
  2. in la iska kaashado dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga gaar ahaana dhanka canshuuraha badeecooliska ukala gudbaya labada dhinac
  3. in la fuliyo heshiisyadaan iyo kuwo kale oo horay loogaaray
  4. in waqti ku haboon la qabto shir ay iskugu imaanayaan ganacsatada labada dhinac kaas oo ka dhacaya deegaanada galmudug iyo qodobokale oo shirka kasoo baxay

masuuliyiinta labada dhinacyaa si isku mid ah uga hadlay sida ay ugu faraxsanyihiin shirka labada maalin soconayay oo galinkii dambe ee shalay lasoo gabgabeeyay

wasiirka aminaga galmiudug oo ka hadlay gabagabada shirka ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta DDs uu uga mahadcelinayo martiqaadka ay u sameeyeen,Waxaana uu sheegay in ay ka wada hadlaan arimo muhiim ah uu u baahan in lasika kaashado uuna  ku faraxsanyahay la talaabadaasi islamarkaasn uu ku boorinayo labada dhinac in la dhaqan galiyo heshiiyada kasoo baxay shirka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here