Soomaaliya Oo Midowga Afrika kala Hadashay Waqti Kordhinta Ciidamada Amisom

0

Wasiirka Wasaarada arimaha dibada xukuumada faderaalka somaaliya ayaa waxa uu kulan la qaatay gudoomiyaha ururka howlgalka midowga afrika
kulankaan labada masuul wada qaateen ayaa waxa uu bahaa mid looga hadlayay arima badan oo ku saabsan ciidamada midowga afrika ee jooga soomaaliya iyo arima kale

wasiirka arimaha dibada xfs maxamed abdirizaaq maxamuud oo hoyga uu magaalada addis sababa ka daganyahay gudoomiyaha cusub ee howlgalka midowga afrika ku booqday ayaa waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay gudoomiyaha arimaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen ay koowka arimaha ciidanka amisom oo soomaaliya babad ilaalin ujooga

wasiirka maxamed abdirisaaq aya awxa uu xusay in marka koowaad uu gudoomiyaha howlgalka midowga afika uu gaarsiiyay dhabaal hambalyo ah oo uu kaga waday madaxweynaha jfs oo ku aadan dib uu doorashada Moussa Mahamant Faki gudoomiyaha howlgalka midowga afika

waxaana wasiirka uu yeeshay in intaasi kadib ay ka wada hadlaeen arimaha ciidamada midowga afrika iyo qorshayaasha dowladda soomaaliya gaar ahaana in ciidamada amisom waqtiga loo kordhinayo inta uu elegyaha waqtigaasi iyo waxa lagu saleynayto

wasiirka ayaa waxa uu sheegay in halkaasi ay u tageen in ay geeyaan aragtida soomaaliya ee ciidanka amisom gaar ahaana waqti kordhinta ciidamada oo loo balansanyahay 14 ka bishaan

wasiirka waxa uu tilmaamay in dowladda soomaaliya ay kala hadashay midowga afrika mowqifkiida ku aadan mudo kordhinta ciidanka amisom
waxaana ay sheegtay in ay cuskaneyso arimo ay ka mid yihiin loo fiiriyo faaiida ciidamada amisom ee soomaaliya iyo marxaladaha dalka

wasiirka arimaha dibbada soomaaliya ayaa sheegay in aysan marnaba eegi doonin faaiidada qabaan dowladdaha ciidamada ka joogaan soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here