Madaxweynaha dowladd Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magacaabay saddex Wasiir oo cusub oo kamid noqonaya Golahiisa Wasiirada, isagoo xilka qaadis ku sameeyay kuwo hore.
Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,oo lagu magacaaabo xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy,waxaana loo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle


