Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Hoobiyayaal ah oo lagu garaacay Xarunta Xalane oo Fariisin u ah Ciidamadda Amisom iyo beesha Caalamka.
Sida wararka ay sheegayaan Madaafiicda oo gaarayay ilaa afar xabo ayaa la sheegay in ay ku dhaceyn gudaha iyo hareeraha Garoonka iyo Xarunta Xalane.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane.
Arintaa ayaa imaaneysa xili lagu wado in dhowaan teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo hore u diiday inay ka sooq eybgalaan shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

