Shir u Dhaxeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo Ka Dhacaya Xalane

0

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in shir u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda maalmaha soo socda uu ka dhici doono Magaaladda muqdisho.

Shirka ay soo agaasimeen xubnaha beesha caalamka ayaa la sheegaya in maalinta isniinta ama taaladda ee todobaadkaan uu ka dhici doono xarunta Xalane ee saldhig u ah xubnaha beesha caalamka, AMISOM iyo xubno kale.

Sida ay sheegayaan wararka shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka, iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo gaaray meeshii ugu xumeyd.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay aqbaleyn codsigii ay usoo jeediyeen Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo ku aadanaa in shirka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamul Goboleedyada lagu qabto meel ka baxsan Madaxtooyadda sida xarunta Xalane madaama aan la isku aamini Karin xarunta Madaxtooyadda uu wali dagan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Labadda Maamul ayaa diiday shirar uu farmaajo ku dhawaaqay bishii aynu soo dhaafnay, sababo la xiriira in aysan ku kalsooneen xarunta uu Farmaajo ku sugan yahay ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Lama oga sida Villa Soomaaliya ay u aqbali doonto in shirka ay diideen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in lagu qabto Magaaladda Muqdisho in loo weeciyo Xarunta Xalane ee Fariinsin u ah Xubnaha beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa waqtiyadaan oo kale saameyn ku leh arimaha doorashooyinka,waxayna xubnaha beesha caalamka ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa khilaafka Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyadda.

Doorashaddda 2021-ka ayaa noqotay mid la isku fahmi waayay qaabka loo qaadi doono,waxaaana aan la dhaqan galinin heshiiskii 17-kii Sep 2020 lagu wada saxiixay Magaaladda Muqdisho.

Dowladdda Madaxweyne Farmaajo oo waqtigeeda uu dhamaaday 8-dii Feb 2021-ka ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilantay dhaqan galinta heshiiyadii doorasahadda bishii September 2020-kii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here